Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kordhin Qidmadda Farasmaagalaha ee Magaalooyinka Waaweyn

La daabacay måndag 23 april 2012 kl 09.46

Xisbiga Dhexe (C) ayaa soo jeediyay in la kordhiyo magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Uppsala iyo Linköping qidmadda laga qaado gawaarida isaga mushaaxda faras-magaalaha, si loo dhiiri-geliyo in bulshadu isticmaasho gaadiidka dad-weynaha.

Farriintaasina oo maanta lagu daabacay war-geeyska DN boggiisa doodda.

Annie Lööf, hogaamiyaha xisbiga Dhexe ayaa sheegtay in loo baahan yahay dhaqaale sidii dib u habeeyn loogu sameeyn lahaa waddooyinka xaddiidka iyo hor-u-marinta gadiidka dad-weynaha.

- Si dalkani hor-muud ugu noqdo waddammada caalamka kolka laga hadlayo kala waaridka baayacmushtarka, dhaqdhaqaaqa bulshada loo sahlo ayaa loo baahan yahay dhaqaale lagu miisaaniyad geliyo nidaamka gaadiidka. Qidmadda ayaana ka mid noqon karta hab lagu miisaaniyad geliyo, sida qidmadda gawaarida iska gooshta faras-magaaleyaasha iyo buundooyinka.

Waxaa la damacsanaa in la laba jibbaaro dadyowga raaca gaadiidka dad-weynaha, iyadoona aan iminka xitaa middaa lagu guuleeysan magaalada Istockholm?

- Si middaa loo gaaro waa in marka hore loo helaa dhaqaale lagu maal-geliyo. Qidmadda laga qaado faras-magaalaha iyo sidii loo yareeyn lahaa ciriiriga gawaarida iyo wasakhda ey hawada ku sii daayaan. Waana mid ka hir-galay magaalooyinka waaweyn.

Qiime intee le'eg ayay noqon doontaa qidmadda lagu tala jiro in laga qaado gawaarida isaga gooshta faras-magaalooyinka Linköpin iyo Uppsala?

- Go'aanka waxaa mar walba lagu gaaraa degmooyinka, hase yeeshee xisbiga Dhexe wuxuu qabaa in la yareeyso wasakhda gawaaridu hawada ku sii daayaan iyadoo aan lagu imtixaameyn gawaarileeyda.

Waa howl aannu dooneeyno sidii loogu dhiiri-gelin lahaa ho-u-marka gaadiidka dad-weynaha ee magaalooyinka waaweyn, sida ay sheegtay Annie Lööf.

                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".