Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wafdi Shiine ah oo Booqanaya Iswiidhen

La cusbooneeyay måndag 30 april 2012 kl 12.50
La daabacay måndag 23 april 2012 kl 09.59
Wen Jiabao, madaxa dawladda Shiinaha oo booqanaya Iswiidhen. Sawirle: Alexander F Yuan/Scanpix.

Waxaa magaalada Göteborg maanta booqasho saddex maalmood socon doonta ay uga bilaabmi doontaa madaxa dawladda ee dalka Shiinaha Wen Jiabao. Iyadoona ay halkaasi ku soo dhoweeyn doonaan madax aey ka mid yihiin wasiirka manaafacaadk Annie Lööf iyo gudoomiyaha gobolka Västra Götaland Lars Bäckström.

Barito ayuu wafdiga shiinuhu booqasho ku soo mari doonaa xarunta shirkadda Volvo ee laga leeyahay dalka Shiinaha iyo markabka taariikhiga ee shiraaca ku caan-baxay iyadoona oo uu markaa kadib wafdigu u soo ambabixi doono magaalada Istockholm si uu kulamo ula yeesho boqorka iyo madaxa dawladda ee dalka Iswiidhen.
Maalinta arbacada ayuu Wen Jiabao ka qeeyb-geli doonaa kulan caalamiya ee looga wada xaajoon doono cimilada.
Booqashada madaxa dawladda ee dalka shiinuhu ku marayo Iswiidhen ayaa qeyb ka ah booqasho uu wafdigu ku marayo waddammada Yurub.

                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".