Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xayeeysiinta loo sameeyo Cunnada

La daabacay måndag 23 april 2012 kl 11.25
Dukaan ka mid ah dukaammada cunnada ee Svinesund. Sawirle: Thomas Winje Øijord/Scanpix.

Maamulka ururka waddammada ku midoobay Yurub (EU) ayaa go'aamiyay inuu adkeeyo xeerka ka degsan habka xayeeysiinta loogu sameeyo cunnada iyo manaafacaadka.
Dhammaadka bisha maajo ayuu hir-geli doonaa sharci mamnuucaya in shirkaduhu xayeeysiinta raashinkooda ku qoraan iney manaafacaad u leeyihiin caafimaadka dadka haddii aanay jirin cilmi-baaris middaa lagu ayidayo.

Waxaa raashinkaa ka mid ah mitaal ahaan nooc ka mid ah baastooyinka ee la sheegay inay dhimayso khatarta wadne-xannuunka, in caleenta cagaaran iyo miraha la qalajiyaa ey leeyihiin saameeyn la xiriirta kaarboon oksiidhka ee loo isticmaalo sidii oogada looga saari lahaa sunta.

Xeerkan cusub ayuu maamulka EU-du ula dan leeyahay sidii suuqa looga nadiifin lahaa xayeeysiinta cunnada aan dhabta ahayn, sida ay laanta wararka ee ekot u sheegtay Petra Bergqvist oo ka howl-gasha hayadda cunnada:

- Cunnadan badankeed ayey dadku ku iibsadaan xayeeysiinta ku qoran darteed, iyadoona falkaasi noqonayo mid jahwareerinaya haddii cunnada lagu qoro xayeeysiin aan dhab ahayn, islamarkaana aan ku saleeysnayn cilmi-baaris.

Isha:Ekot

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".