Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wadahaddallada Ururka Shaqaalaha Degmooyinka iyo Dhiggiisa

La daabacay måndag 23 april 2012 kl 11.48

Maantay gelinka danbe ayey ururka shaqaalaha degmooyinka iyo ururka maamulka shirkadaha ka howla gala xaruumo caafimaad ey dib ugu noqon doonaan wada xaajood horay ugu socdey. Iyadoona haddii wax hor-u-mar ah laga keeni waayo wada hadalka ay sababi doonto shaqa-joojin ey ku dhaqaaqaan dareewallada basaska rakaabka u gooshiya garoommada diyaaradaha iyo xawilaadaha xamuulka dayuuradaha ee shirkadda Swebus.

Falkaasina oo ey shaqaalahaasi ku taageerayaan ururka shaqaalaha degmooyinka ee dhiggooda.
Wada-hadallada u socday labada garab ayaa istaagay dhamaadka asbuucii hore kadib markii ururka shaqaalaha ee degmooyinku gacanta ku seeyray talo talo ey u soo bandhigeen wafdi dhexdhexaadiyey. Amuurtaasina oo dhalisay in ururka shaqaalaha degmooyinku halkiisii ka istaago is-hor-taagiddii in dadyow hor leh la shaqaaleeyo. Iyadoona sida uu sheegay ururka shaqa-bixiyeyaashi aanay suurtagal u noqon doonin shaqaale hor leh ee ku meel-gaar loo howl-geliyo wixii intaa ka dambeeya haddii uu ruux xanuunsado.

                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".