Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

3,3% Alaabada Dalkani Dibadda u Dhoofiya ayaa Shiinaha la Geeyaa

La daabacay måndag 23 april 2012 kl 12.35

Alaabada uu dalkani u dhoofiyo dalka Shiinaha ayaa kor u kacay 12% sannadkii tagay ee 2011, midaasina oo gaaray 40 milyaard e ekoronka iswiidhishka.
Baayacmushtarkaa barkii ayaa ku saleeysnaa noocyada kala duwan ee qalabka warshadaha. Inkasta oo xiriirka baayacmushtar ee dalkani la leeyahay Shiinaha ayuu haddana alaabada uu u dhoofiyaa dalkani shiinaha uu gaarsiisan yahay un 3,3%, marka loo barbar-dhigo dhammaan alaabada uu dalkani geeyo suuqyada caalamka.

Dhaqaalaha dalka Shiinaha looga soo waariday sannadkii tagay ee 2011 ayaa dhamaa 44 milyaard e ekoronka iswiidhishka, midkaasina oo kor u kacay 3%, kolka loo barbar-dhigo sannadkii ka horeeyay. Iyadoona uu dalkani ka keeno dalka Shiinaha sidoo kale qalabka warshadaha ee loo isticmaalo warshadaha dalkan.
Baayacmushtarka dalka Shiinuhu la leeyahay Iswiidhen ayaa u dhigma 4% guud ahaan alaabooyinka dalkan dibadda uga yimaada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".