Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Caafimaaddarrada Maskixiyanta Ah

La daabacay måndag 23 april 2012 kl 16.02

Waxaa kor u sii kacaya tirada da'yarta bukaan-socodka la xiriirta goobaha daryeelka caafimaadka maskixiyanta ah, qaasatan marka laga hadlayo wiilasha da'doodu u dhaxeeyso 18 illaa iyo 24-jir.
Qaar badan ee kuwaa ka mid ahina waxey qabaan astaanta cudurka marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno "adhd - Attention-Deficit/Hyperactivity Disorder", ee maskaxda, sida ku cad war-bixin ay soo saartay heyadda hoggaanka bulshadu.

Cudurka maskaxda ee adhd ayaa loo kala qaadaa saddex nooc ee kala duwan: qofka oo xasiloonidu ku yar tahay, iyada oo ruuxu aad u dhaqdhaqaaq badan yahay iyo midda saddexaad ee ruuxu qabo labada nooc ee dusha ku qoran.
Horay ayaa loo ogsoonaa in koro noocaasiya ey habluhu qabeen, iminkase uu raggana kor ugu sii kacayo, sida uu sheegay Mårten Gerle oo ka howl-gasha hayadda hoggaanka bulshada ee Socialstyrelsen.

Isha:Socialstyrelsen/TT

                                               kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".