Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaqaalaha Abaalmarinta ee Qashinka Biraha

La daabacay måndag 23 april 2012 kl 16.30
Lena Ek, wasiirka bayadda. Sawirle: Charles Dharapak/Scanpix.

Wasiirka beyadda Lena Ek ayaa sheegtay mar ay maanta u warrameeysay laanta wararka ee ekot in aaney jiri doonin dhaqaale abaal-marin ee dawladdu ku maal-geliso qashinka biraha baabuurta duqowdey, isla-markaana tahay mid u taala warshadaha gawaarida soo saarta iney masuuliyad middaa ka qaadaan.

Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay iney masuuliyad middaa ka saaran tahay warshadaha gawaarida sidii ey gacan uga geeysan lahaayeen albaada ey suuq-geeyaan, maadaama uu Yurub ka jiro xeer laga siman yahay ee saameeya dhammaan waddammada 27-ka ee ku midoobey ururka EU-da.

Go'aankaa ayey ka dhiidhiyeen dadka qaarkii, sida ururka gawaarileeyda ee qaba in abaal-marin la bixiyaa tahay dhabbada ugu sahlan ee lagu suulin karo baabuurta duqowdey ee cimilada sida aadka ah u wasakheeya.

Tallaabada ay qaaday dawladda Jarmalka ahna in abaal-marin lagu bixiyo xabaalidda gawaarida duqowda ayaan qancin Lena Ek, iyadoona ay wasiiraddu sheegtay in arrikaasi abyyray suuq madow, maadaama gawaari abaal-marin lagu qaatay loo safriyey waddammada deriska, islamarkaana laga keeno waddammada deriska gawaari duq ah si loogu helo abaal-marin dhaqaale.

Isha:Ekot

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".