Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

LÖFVEN oo ey Taabaceen Haweenka 55 ka weyn

La daabacay måndag 23 april 2012 kl 15.28
Taageerada xisbiga (S) oo kor u kacday. Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.

Saddexdii bilood ee uu hogaanka xisbiga S, gacanta ku hayay Stefan Lövfen ayey dib taageeradoodii xisbiga dib ugula soo laabteen dhammaan kooxihii hore u taageersanaa ee bulshada, haba ugu badnaadeene aweenka da'doodu ka weyn tahay 55 iyo bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka yaryar.

- Dadyowga taageeradooda dib ugu la soo laabtay xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga iminka waa kooxhii aan ku qanacsaneyn siyaasadda xisbiga ee sannadkii ugu dambeeyay. Kolka hoggaan is-bedelana waxaa soo noolaata rajadii, sida ay hayadda wararka ee TT u sheegtay caalimad Jenny Madestam.

Löfven ayaa loo arkaa inuu xisbiga xaslooni ku soo celiyay, iyadoo tirakoobkii ugu dambeeyay ee shirkadda Demoskop u sameeysay war-geeyska expressen ku caddaatay in ey inta badan taageeradoodii dib ugula soo noqdeen dadyowga da'doodu ka sarreeyso 55 jir, haween, xoogsato, mushaarooyin dhexe ee ku dhaqan magaalooyinka yaryar, waana kooxihii la oran karay aasaaska xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga.
Halka aanay taageerada xisbigu heerkaasi gaarsiisnayn kolka laga hadlayo dadka da'da yar, leh tacliinta sare ee ku dhaqan magaalooyinka waaweyn.
- Waxaan u arkaa inay kooxdaa laf ahaanteedu tahay muhiim iyo iney indhaha nagu kala qaadaan, sida uu war-geeyska u sheegay Stefan Löfven.

Jenny Madestam ayaa qabta in taageeradaasi noqon karto tiro la buunbuuniyey.
- Iminka waxaa looga fadhiyaa xisbiga inuu la yimaado qorshooyin siyaasadeed. Miisaaniyaddiisa harka ah ee gu'ga ayaa noqon doonta mid ifafaale u noqota taageerada bulshada oo dib u soo noolaata iyo in kale.

Isha/TT

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".