Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Natiijada Xisaab Xirka Bangiyada

La daabacay tisdag 24 april 2012 kl 11.45
Bangiyada SEB, Nordea, Sweb iyo Handel. Sawirle: Scanpix.

Xaaladda dhaqaale ee bangiyada waaweyn ee dalka Iswiidhen ayaa ku sugan heer wanaagsan. Laba ka mid ah ayaa maanta soo ban-dhigay miisaaniyaddooda xisaab-xir ee saddexdii bilood ee sannadka ugu horeeyey. Iyadoona labada bangi ee Nordea iyo SEB-ba soo ban-dhigeen macaash milyaardiyo gaaraya, islamarkaana badankii uu macaashkaasi ka yimid deeymaha bangiyadaasi bixiyaan.

Bangiga Nordea ayaa soo ban-dhigay macaash dhan 9,2 milyaard ee koronka iswiidhishka, waana macaash xoogay dheer kii sannadkii hore xilligan oo kale. Halka bangiga SEB uu xoogay macaashkiis hoos uga dhacay marka loo barbar-dhigo sannadkii tagay hadaaya uuna gaarsiisan yahay 3,7 milyaard ee koronka iswiidhishka, saddexdii bilood ee sannadka ugu horeeyey.

Ilaha: Ekot, Nyhetsbyrån Direkt

                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".