Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shuruudo ey soo Jeediyeen Kalkaaliyeyaasha Caafimaad

La daabacay tisdag 24 april 2012 kl 12.21

Ardayda barata culuunta kalkaaliyeyaasha caafimaad ayaa maanta bannaan-baxyo isugu iman doona goobo kala duwan ee dalka ka mid ah, falalkaasina oo ey uga gol leeyihiin sidii loo siin lahaa ama loogu howl-gelin lahaa dhaqaale gaarsiisan 24 000 oo koron.

Ulrika Blumsfeld, af-hayeenka ardeyda barata kalkaaliyeyaasha caafimaad ayaa sheegtay in qiyaastii 50 arday ey mushaarkaa ku howl-bilaabeen nawaaxiga gobolka Istockholm:
- Waxaa halgankan bilowney goor hore. Bishii oktoobar ayaan halganka si aad ah u wadney. Waana halgan iminka dalka ku sii fidaya. Halka magaalada Umeå iyo carriga koonfurta dalka lagala kulmayo caabis xoogan, sida ay sheegtay Ulrika Blumsfeld.

Mats Udin, ahna madaxa shaqaalaha ee hayad-goboleedka Östergötland ayaa qaba in shuruudda ardeydu tahay mid aan xaqiiqda ku saleeysayn. Wayna adag tahay sidii loo miisaaniyad gelin lahaa kor u qaadid mushaar ee xadkaa gaarsiisan, sida uu sheegay Mats Udin. Isagoona middaa ku daray in kor u qaadidda mushaarka uu la tallaabo qaado habka hor-u-marka shaqo. Shuruudaha ardeydu soo jeedineyaan waxey dhaawacayaan kuwa iminkaba howlahaa gacanta kula jira.
- Hadday ahaan lahayd mushaarooyin la xiriira xadka ugu hooseeya waxaa suurtagal noqon kari lahayd in kor loo soo wada-qaado. Albaabka kale ee furan ayaa ah in la joojiyo kor u kaca mushaarooyinka dadka kale, waana mid xaqiiqdii saameeyn ku yeelanaysa shaqaalaha iminkaba howl-gala maadaama lacagtu ey kiish un ku wada jirto.

Shuruudda ah in mushaarooyinka ardayda kalkaaliyeyaasha caafimaad la gaarsiiyo 24 000 ayaa ka bilaabatay magaalada Umeå, dabadeedna ku faaftay dalka. Iyadoona isbitaallada qaarkood ey sheegeen iney ku adkaatey sidii ey u shaqaaleeyn lahaayeen kalkaaliyeyaal-caafimaad ee ku meel-gaar ah xilliga kuleeylaha ee foodda innagu soo haya.

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".