Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lacagaha Xaashiyaha ee Mustaqbalka

La daabacay tisdag 24 april 2012 kl 12.37
1 av 5
Lacagta warqadda ee labaatanka koron. Waxaa ku xardhan Astrid Lindgren. Foto: Riksbanken.
2 av 5
Lacagta warqadda ee kontonka koron waxaa ku xardhan Evert Taube. Foto: Riksbanken.
3 av 5
Lacagta warqadda ee boqolka koron. Waxaa ku xardhan Greta Garbo. Sawirle: Riksbanken.
4 av 5
Lacagta warqadda ee kunka koron. Waxaa ku xardhan Dag Hammarskjöld. Sawirle: Riksbanken.
5 av 5
Lacagta warqadda ee shanta boqol. Waxaa ku xardhan Birgitta Nilsson. Sawirle: Riksbanken.

Bangiga qaranka ayaa maanta soo ban-dhigay lacagta cusub ee waraaqaha ee ku guuleeystey tartan loo qabtay far-shaxannadii ku tartamayey in sawirradooda la qaato.
Far-shaxanle Göran Österlund, ayey sawirradii uu soo bandhigay ku guuleeysteen in la qaato, looguna magac-darey safarka-dhaqan.

Guud ahaan waxaa howshaa ku tartamayey sideed far-shaxan. Iyadoona sawirrada iminka laga doortey loo gudbin doono cidda ku shaqada leh ee lacagaha xaashiyaha sameeya. Waana howl la filayo in sannadka 2015 lacagtahaasi waraaqaha ah la soo saaro.

Illaa iyo hadda ayaa la ogsoonaa in qoraayadda Astrid Lindgren ku sawirnaan doonto lacagta warqadda ah ee 20-ka koron, Evert Taube, kontonka koron, Greta Garbo boqolka koron, birgit Nilsson 500 ee koron iyo Dag Hammarskjöld oo ku sawirkiisu ka muuqan doono kunka koron ee iswiidhishka.

                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".