Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dadyowga ka Badbaada Kolka Wadnuhu Istaago

La daabacay tisdag 24 april 2012 kl 16.00
Mashiinka wadnaha. Sawirle: Tomas Oneborg / SvD / SCANPIX /

Magaalada Istockholm ayey laba jibaarantay shantii sannadood ee ugu dambeeyey suurtagalka ah in laga badbaado kolka uu ruux si kedis ah wadnuhu u istaago, sida ku cad war-bixin maanta la soo ban-dhigey. Iyadoona middaa ugu wacan tahay ciidanka ammaanka iyo gargaarka degdegga ah ee si dhakhsa ah u bilaaba badbaadinta ruuxa inta aanu gaariga bukaan-socodku iman iyo sidoo kale goobo badan oo hor leh ee la dhigey mashiinnada wadnaha kiciya.

Waxaa iminka ka badbaada 10% kolka uu si kedis ah ruux wadnaha u istaago cisbitaallada dibaddooda, halka faras-magaalaha Istockholm tiradaa gaarsiisan tahay 20%.

Qorshe lagu magacaabo SALSA ee la bilaabey dhowr sannadood hortood ayaa kolka ruux uu wadnuhu istaago u dira dhambaal degdeg ah gawaarida bukaan-socodka (ambulaniska), ciidanka ammaanka iyo gargaarka degdegga ah. Waana midda hoos u dhigtay wakhtiga uu ruuxu sugayo gargaarka.

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".