Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kharashka ku Baxa Shaqaalaha Iswiidhishka oo Sarreeya

La daabacay tisdag 24 april 2012 kl 17.10
Sawirle: Johan Nilsson/Scanpix.

Dalka Iswiidhen ayaa kaalinta labaad kaga jira waddammada EU-da oo kaalinta koowaad uu kaga jiro dalka Beljimka kolka laga hadlayo kharashka shaqaalaha ku baxa hadday noqon lahayd mushaarada saacaddii iyo qidmadda shaqaaleeynta ee shaqa-bixiyuhu ka bixiyo shaqaalihiisa. Dalka Bulgaariya ayey shaqaalihiisu ugu raqiisan yihiin.

Haddii la isku xisaabiyo mushaarka iyo qidmadda shaqaaleeynta ayaa shaqaalihii isku celcelin waxaa dalkan ku baxda saacaddii 39 euro, una dhiganta 350 koron. Halka dalka Bulgaariya ay isku celcelin ku baxdo shaqaalihiiba 3,5 euro/saacaddii.

Tira-koobkan ayaa laga soo daalacdey sannadkii 2011, waana war-bixinno ku saleeysan shirkadaha ey ka howl-galaan ugu yaraan 10 shaqaale.

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".