Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Doogga oo ugu Hanjabay Dawladda Heshiis ka Bax

La daabacay onsdag 25 april 2012 kl 08.55
Åsa Romson, Mp. Sawirle: Janerik Henriksson / SCANPIX

Waxaa la gaaray xilligii ay dawladdu xaqiiq ugu eegi eegi lahayd, islamarkaana wax uga qaban lahayd heshiiskii ay la gashay xisbiga Doogga lana xiriiray siyaasadda soo-galootiga, sida ay sheegtay Åsa Romson, kana mid ah labada hoggaan xisbiga Doogga.

Åsa Romson iyo af-hayeenka xisbigeeda ee arrimmaha soo-galootiga Maria Ferm ayaa dawladda ku sharuudeeyay in la hir-geliyo go'aankii ey sida wada-jirka ah u gaareen ee la xiriiray xuquuqda dar-yeelka caafimaad.

Waa in miisaaniyadda guga laga dhex arkaa dib u habeeynta daryeelka caafimaad ee qaxootiga, haddii aaney middaasi dhicinna wuxuu xisbiga Dooggu ku hanjabay burburka dhammaan heshiiskii soo-galootiga oo ey dawladda la galeen, maadaama wakhtigu socdo iyada oo aan howlihii la hirgelin, sida ku cad maqaal saaka lagu soo daabacay war-geeyska maalinlaha ee SvD.

                                                                  kenadid.mohamed@sr.se                                                            

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".