Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Wadashaqeeynta Ganacsi ee Iswiidhen iyo Sacuudiga

La daabacay onsdag 25 april 2012 kl 10.43
Soo ban-bax wada-shaqeeyn aan hore loo ogsooneyn ee Iswiidhen iyo Sacuudiga. Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Weli waxaa iska soo daba-dhacaya war-bixinno lagu ogaanayo xiriirka soo jireenka baayac-mushtar ee ka dhexeeyey labaatameeyadii sannadood ee ugu dambeeyey ee waddammada Iswiidhen iyo dalka Sacuudiga. Iyadoona ay iminka soo shaac baxday sida uu qoray saaka war-geeyska SvD in xiriir wada-shaqeeyn ee xasaasi ah uu muddo labaatan sannadood gaareeysa ka dhaxeeyey hayad iswiidhish ah iyo dawladda sacuudiga, middaasina oo ay hayaddu ka caawineeysay sidii loogu dhisi lahaa dawladda Sacuudiga bakhaarro buuro ku yaala ee lagu keeydiyo shidaalka si loogu baxsado haddii dagaal dhaco.

Waxaa iyaduna jirtay inaan warar badan laga hayn wada-shaqeeyntaa maadaama ey qoraallada dawladduna ahaayeen kuwo sir ah, sida uu qoray war-geeysku.

Maamulladii dalka isaga dambeeyey ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga iyo xisbiyada midigta ayaa ansixinayey wada-shaqeeynta hayad-dawladeedku la gashay Sacuudiga ee lagu dhisayey bakhaaradda buuraha ku hoos jira. Karl-Erik Hammarström, sarkaal sare ee ka howl-gala hayadda lagu magacaabo "Fortifikationsverket" hayadda kooxda injineerrada, horena madax ugu ahaa qorshe loogu magac-daray Swedef, ahaana qorshihii wada-shaqeeynta ee dhismahaa, ayaa sheegay in aaney qoraallada dawladda ee qorshahaasi ahayn kuwo sir ah:
- Heshiiska qudhiisu ma ahayn mid sir ah. Hase yeeshee waxaa jiray qeybo dhismaha ka mid ahaa iyo waxyaabaha uu macmiilku ugu tala-galay inuu dhismooyinkaa ku keeydiyo ey qoraalladoodu sir ahaayeen. Dhumucda, halka godadkaasi ku yaalaan iyo waxyaabo la mid ah ayey qoraalladoodu sir ahaayeen, hase yeeshee qorshaha qudhiisu ma ahayn qoraalkiisu mid sir, sida uu sheegay  Karl-Erik Hammarström.

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".