Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tuhun Sharaf Dhac oo Qudha looga Jaray Gabar

La daabacay onsdag 25 april 2012 kl 11.25
Gabadh horay sharaf-dhac loogu dilay.Sawirle: Erik Mårtensson/Scanpix.

Gabadh 19-jir ah ee habeennimadii isniinta qudha looga jaray magaalada Landskrona ayaa horay gacan-fidin uga raadsatay urur lagu magacaabo "Tänk om - intii aadan falin ka fiirso" laantiisa Malmö. Ururka ayay howlihiisu ka mid yihiin dembiyada la xiriira sharf-dhaca, sida uu ururku ku qoray boggiisa internetka.

Newroz Ötunc, gudoomiyaha ururka "Tänk Om" ayaa dhaleecooyin dhowr ah isaga oo u marinaya saxaafadda dhaleeceeyay laanta bulshada ee maamulka degmada Landskrona. Ururka ayaa ku dhaleeceeynaya maamulka degmada in aan fiiro gaar ah loo yeelan khatarta gabadha 19-jirka ahi ku sugneeyd, islamarkaana aaney ka kaxeeyn oo aaney u wareejin degmo kale.

- Khatarta gabadha ayaan u bayaaniney hase yeeshee ey dhagaha ka fureeysteen. Waana mid aan aad uga tiiraanyaysnahay, sida ay Ötunc u sheegtay war-geeyska Helsingborgs Dagblad ee ka soo baxa magaalada Landskrona.

                                                             kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".