Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Jirdillada ka Dhaca Hooyga

La daabacay onsdag 25 april 2012 kl 14.30
Bidix: Nyamko Sabuni, Maria Larsson, Beatrice Ask iyo Carin Götblad. Sawirle: Pontus Lundahl / SCANPIX /

Madaxii hore ee ciidanka ammaanka gobolka Istockholm Carin Götblad ayaa loo magacaabey is-ku-duwaha dawladda ee dalka kolka laga hadlayo dembiyada ka dhaca ama la isugu geeysto hooyga lagu wada nool yahay ama dadka isu dhowi isu geeystaan.
Qorshahan ayay soo wada ban-dhigeen wasiirka cadaaladda Beatrice Ask, wasiirka sinnaanta Nyamko Sabuni iyo wasiirka dhallaanka iyo waayeelka Maria Larsson oo kulan saxaafadeed maanta si wada-jir ah u qabtay maantay.

Howshan ayaa socon doonta muddo sanooyin ah, iyadoona howlaha looga fadhiyo ey ka mid yihiin isku-duwidda iyo taageeridda hayadaha kala duwan ee ku shaqada leh.
- Waxaan dareemayaa sharfid. Iimana muuqato inay jirto su'aal ka muhiimsan ee quseeysa caafimaadka bulshada ee dalkan Iswiidhen. Waa arrin saameeynaya dad fara badan siyaabo kala duwan, sida ay sheegtay Götblad.

Hayadda maamulka bulshada ayaa loo qoondeeyay dhaqaale gaarsiisan 13 malyuun ee koron qaybna ka ah howsha, sidii ay si caqli-gal ah howlahaa uga qayb qaadan lahayd illa iyo sannadka 2014.

Isha:TT

                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".