Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Ururka Shaqaalaha Daryeelka oo Dib isugu Noqonaya

La daabacay onsdag 25 april 2012 kl 16.26
Swirle: Leif R Jansson/Scanpix.

Ururka shaqaalaha daryeelka ayaa ku hanjabay mar uu u waramayay laanta wararka ee ekot inuu burburin doono heshiiskii sida wada-jirka ah loola gaaray shaqa-bixiyeyaasha ee sannadkii 2010, kadib kolkii ardayda dhigata culuunta kalkaaliyeyaasha caafimaad ey ka sameeyeen bannaan-baxyo ey ku doonayaan in kor loo qaado mushaarka ugu horeeya ee lagu shaqaale geliyo.

Gudoomiyaha ururka Sineva Ribeiro, ayaa laanta wararka ee ekot ugu warantay in culeeys ballaaran uu ka soo fuulayo labada dhanba, dhanka ardeyda iyo dhanka xubnaha ururka.
Waxay kaloo sheegtay in ururku u baahan yahay qiimayn inuu ku sameeyo heshiiska uu maanta ku jiro.
Ururka gobollada iyo degmooyinka ayaa ka gaabsaday inuu faallo middaa ka bixiyo.

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".