Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Miisaaniyadda Guga ee Xisbiga SD

La daabacay onsdag 25 april 2012 kl 17.05

Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa miisaaniyaddiisa xilliga guga ku soo jeediyey in la dhimo 90% soo-galootiga dalka ku yimaada sidii ey qaraabadood ula midoobi lahaayeen. Xisbigu wuxuu sidoo kale soo jeediyay in go'aanka soo-galootinimada lagu saleeyo midka u degsan ururka caalamiga ee Qaramada Midoobey.

In sharciga degenaansho uu noqdo oo keliya mid aan joogto ahayn isla markaana la adkeeyo mideeynta qaraabada.
- Habka ugu wanaagsan ee shaqa lagu abuuri karo ayaa ah in la adkeeyo lana qaado tallaabo masuuliyadi ku dheehan tahay ee la xiriirta siyaasadda soo-galootiga, sida uu sheegay af-hayeenka xisbiga SD ee arrimmaha dhaqaalaha, Erik Almqvist. Isagoona xoogga saaray siyaasadda soo-galootiga iyo midda shaqa-la'aanta dhallinyarada kolkii uu soo ban-dhigayay siyaasadda xisbigiisa ee miisaaniyadda guga.

Xisbiga SD ayaa qaba inuu baabi'iyo qidmadda dhimista shaqaaleeynta ee dhallin-yarada uuna ku wajaho tallaabooyin gaar ah. Waxaa tallaabooyinkaa ka mid ah in la dhimo cashuurta shaqaaleeynta ee shirkadaha yar-yar, iyo kuwa meel dhexaadka ah. Sidoo kale siyaasad masuuliyad leh ee habka ceeymiska xanuunka ee shirkadaha yar-yar iyo miisaaniyad gelin dhanka tacliinta.

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".