Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Siyaasadda Shaqa La'aanta ee Xisbiga S

La daabacay onsdag 25 april 2012 kl 20.35
Sawirle: Lars Pehrson/Scanpix.

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa soo ban-dhigay fikir siyaasadeed ee la xiriira shaqada iyo in heshiis qoraal ah ee tacliineed lala galo dhallin-yarada. Islamarkaana si ey dhaqaalaha ku sii helaan ey ogolaadaan tacliinta dugsiga sare.

Sida ay laanta wararka ee ekot u sheegtay Magdalena Andersson, af-hayeenka siyaasadda dhaqaalaha ee xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga:
- Goolka xisbiga ayaa ku saleeysan in dhallinyarad dhammaantood ey qaataan shahaadada dugsiga sare ugu dambeeyn da'da 25. Waa maal-gelin bulshada u taal mustaqbalka.

Middaa ayay macnaheedu tahay in dhammaan dhallinyarada shaqada la', ee aan ku guuleeysan iney hantiyaan shahaadada dugsiga sare ey ku dhameeys-tiraan dugsiyada wax-barashada dadka waaweyn ama kuleejooyinka si dhaqaalaha ey qaataan aaney u lumin.

Xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadiga ayaa u qoondeeyay dhallin-yarada 10 000 oo boos oo noocaasiya, sannadkiina ku bixi doonto miisaaniyad 2 milyaard ah.

Hase yeeshee wasiiradda suuqa shaqada Hillevi Engström ayaan taabacsanayn in tallaabadaa la shuruudeeyo:

Isha: Ekot

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".