Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qaxootiga oo ku Xanibma Xeryaha soo Galootiga

La daabacay torsdag 26 april 2012 kl 10.05

3 000 ee ka mid ah soo-galootiga dalkan magan-gelyo doonka u yimaada, isla-markaana dalka deggenaansho ku heysta ayaa ku xaniban xeryaha qaxootiga halkii loo waaridi lahaa degmooyinka si ey hoy iyo goobo shaqo uga heli lahaayeen.

Hayadda xafiiska shaqada ee AF oo muddadii labada sannadood ee ugu dambeeyey la wareegtay masuuliyadda soo galootiga dalka sharciga deggenaansho ku hela ayaa ku guul-dareeysatay sidii ay hoy dadkaa ugu kasban lahaayeen.

Goolka ka dambeeyay in hayadda xafiiska shaqadu la wareegto masuuliyadda soo-galootiga dalka ku cusub ayaa ahaa in sida ugu dhakhsiyaha badan dadyowgaa looga qeyb-geliyo suuqa shada iyo bulshada, hase yeeshee natiijadu noqotay iney dadyowgaasi ku xayirmaan xeryaha qaxootiga ee hayadda socdaalka.

Younis Abdallah waxaa uu dalka deggenaansho ku lahaa muddo sannad ah, hase yeesheeniminka ayuu helay hoy uu u wareegi doono toddobaadka foodda innagu soo haya.

                                                         kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".