Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Guryo laga Deeyriyey Tayada Deggenaanshahooda

La daabacay fredag 27 april 2012 kl 13.30

Hayadda hoggaanka bulshada ayaa ka deeyrisay, sheegtayna iney yihiin guryo ka tayo liita hoyga ey ku dhaqan yihiin dhallaanka kelinimada dalka ku yimaada iyaga oo aaney la socon waalidiintii dhashey ama masuuliyaddooda ciddii ey saarnayd. Waxaa middaa lagu ogaaday kor-meer ay hayadda hoggaanka bulshadu ku sameeysay hooyadaa. Sidoo kale waxay hayaddu sheegtay iney tayada guryahaasi ka liitaan kuwa dhallaanka kale lagu daryeelo ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaanno HVB.

Hooyada ey ku dhaqan yihiin dhallaanka kelinimada ku yimaada ayaa kaga liita tayo ahaan marka laga hadlayo diiwaan-gelinta, dhallaanka oo qeyb ka noqda howlaha halkaasi ka socda iyo wada-shhaqeeynta hayadaha maamullada bulshada. Tusaale ahaan 69% ee guryahaa ayaa u suurtageliya iney dhallaanku xiriir joogto ah la leeyihiin gacan-yare, halka guryaha HVB ay tiradaasi gaarsiisan tahay 82%.

Guud ahaan waxaa dalka ka jira 146 goobood oo ey ku dhaqan yihiin dhallaanka kelinimada dalka ku yimaada, kuwaasina oo magan-gelyo weydiista.

Isha: Hayadda hogaanka bulshada

                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".