Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Daryeelka Dadka aan Deggenaanshaha ku lahayn Dalka

La daabacay fredag 27 april 2012 kl 14.22

Hoggaanka xisbiga Doogga ayaa dhowaantan dawladda u soo jeediyay in sida ugu dhakhsiya badan xilliga guga ay dawladdu u soo ban-dhigto qorshe wax looga qabanayo habka dar-yeelka caafimaad ee soo-galootiga aan dalka sharciga deggenaanshaha ku lahayn iyo kuwa ku dhuumaaleeysanayaba, sidii loola mid dhigi lahaa midka aey helaan bulshada inteeda kale. Halka uu madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen Fredrik Reinfeldt sheegay iney jiraan caqabado hor-taagan ee lagu magacaabo dhaqaale.

- Heshiiska ay dawladdu xisbiga Doogga la gashay waxaa ku cad habka aannu dooneyno xaaladda dayowgaa ee dar-yeelka caafimaad iyo tacliinta, waxaa sidoo kale ku cad qorshe dib u habeeyn ee loo baahan yahay inay kaafiso miisaaniyadda u qoondeeysan sida heshiiskaba ku cad. Waxaa loo baahan yahay laba xaaladoodba in la isku dheeli tiro: Is-bedellada aannu damacsannahey inaannu hir-gelinno iyo masuuliyadda naga saaran dhaqaalaha dalka, si miisaaniyadda aannu u qoondeeyney loogu filleeysiiyo, sida uu sheegay Reinfeldt.

Su'aasha la xiriirta dar-yeelka caafimaad iyo tacliinta soo-galootiga aan sharciga lahayn ayaa ka mid ahayd heshiiskii ey dawladda iyo xisbiga Dooggu sida wada-jirka ah u gaareen ee la xiriiray siyaasadda soo-galootiga ee dalka. Goolkuna ahaa sidii looga hor-tegi lahaa in xisbiga xag.jirka ee SD-gu saameeyn ku yeelan lahaa siyaasadda socdaalka.

Xisbigga Doogga ayaa dhowaantan hadalka ku adkeeyay dawladda iyo in aan illaa hadda wax fikir ah aanay dawladdu ka soo jeedin. Iyadoona aaney labada wasiir ee bulshada Göran Höglund (KD) iyo Socdaalka Tobias Billström (M), amuurtaa isla meel dhigi la' yihiin, iskuna riix-riixayaan.

Fredrik Reinfeldt, oo shalayto la kulmay saxaafadda ayaa sheegay mar uu u warramayay idaacadda la iska daawado ee TV4 in xisbiga Dooggu dhanka bidixda ay siyaasaddiisu u sii duruktay, waana dhabbo aan miisaaniyadda laga fekerin iyo kharakhka ku baxaya.

Iyo in ay sii kordhayso baaxadda kala fogaansho ee wada-shaqeeyn dhex-marta dawladda iyo xisbiga Doogga.

Isha:Ekot

                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".