Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga V: Hays Casisho Wasiirka Baayacmushtarku

La daabacay fredag 27 april 2012 kl 15.27
Hogaamiyaha xisbiga V Jonas Sjöstedt. Sawirle: Henrik Montgomery / SCANPIX

Hogaamiyaha xisbiga Bidixda (V), Jonas Sjöstedt ayaa maanta dood ka dhacday xarunta baarlamanka ku soo jeediyay in wasiiradda baayacmushtarka Ewa Björling ay jagada iska casisho, maadaama buuna yiri ay wasiiraddu aanay si dhameeys-tiran uga soo bixin howsheedii la xiriirtay xiriirkii baayacmushtar ee dalkan iyo Sacuudiga.

- Bulshada Iswiidhen waxay xaq u leedahay inay xaqiiqda ogaato, mana ahan mid laga ogaanayo Ewa Björling, sidaa daradeed waa inay jagada isaga degtaa, sida uu doodda ku sheegay Jonas Sjöstedt.

Sjöstedt ayaa u arka inay masuuliyadda ugu ballaaran ay leedahay Ewa Björling, kolka laga hadlayo sida hayadda kormeerka hubka istraateejiga ah ISP howlaheeda u gudaty, mana ahan masuuliyad wasiirad ahaan ay ka soo dhalaashay.

Hayadda ISP ayay howsheedu tahay masuuliyadda hubka dalka laga dhoofiyo. Sidaa daraadeedna aaney saraakiisheedu ka qeyb qaadan karin wada-haddallada la xiriira dhoofinta iyo ka baayacmushtarka hubka.

Ewa Björling, ayaa sheegtay inay qabto in aan hayadda ISP falin tallaabo khalda iyo sidoo kale in aanay war-bixin joogto ah laga siin cidda saraakiisha hayaddu la kulanto. Sidoo kalena sheegtay in aanay war-bixin ka helin kulankii ay ka qayb qaateen ee Machadka FOI iyo saraakiishii Sacuudiga.

Wasiiradda ayaa soo dhoweey baaritaanka uu samayn doono guddi-hoosaadka dastuurku.

                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".