Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Maxkamad ku sabsan ismiidaabintii Stockholm

La daabacay måndag 30 april 2012 kl 09.38
Foto: Scanpix/ Arkiv

Mantay Glasgow Scotland iyo carigaa Ingriiska waxaa ka bilaabanaya maxkamad ku sabsan qaraxii ismiidaabinta ahaa ee ka dhacay magaalada Stockholm 2010. Waxaa maxkamda la soo taagayaa nin looga shakisanyahay in uu gacan siiyey naftii halagehii isqarxiyey, Taimour Abdullwahab.

Eedeysanahan ayaa loo yaqaanaa maqacyo kala gadisan dhalashadiisa rasmigaana lama garanayo.

Xeerilaaliaya ayaa sheegay in ninkaan lagu tuhmayo in uu ka mid ahaa shirqoolka sababay isqarxintii ka dhacday wada Drottningsgatan ee Stockholm.

Eedeymaha loo haysto ninkaan waxaa ka mid ah in oo u soo dirsay lacag gaaaraysa ugu yaraan 60.000 oo koron ninkii ismiidaamiyey ee Taimour Abdulwahab. Waxaa sidoo kalena lagu edeeynayaa in uu xiriir teleton la yeeshay dhowr mar inta uusan isqarxinin Abdullwahab isla maalintii ahayd 11 december 2010.

Lakiin eedeysanaha ayaa gabi'aanba inkarsan eedeymaha loo haysto.

Dhowr qof oo ka howl gala hay'ada nabadsugida Sweden ee SÄPO ayaa marqaati ahaan looga wacay maxkamda Galosgow, maxkamadaas oo socon doonta mudo 12 asbuuc ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".