Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kommunal oo gashay heshiis cusob oo siinaya 650:- koron bishii

La daabacay måndag 30 april 2012 kl 10.41
Annelie Nordström Gudoomiyaha ururka Kommunal oo ka hadlaya shirsaxaafadeed ay uga waramayso heshiiska cusob. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

Shalay oo axad ahayd ayey ahayd markii ay helen heshiis mushaareed cusob, 350 000 00 ka tirsan shaqalaha ururka Kommunal. Heshisan ayaa saameynaya shaqalaha ka howl gala xaruumaha daryeelka iyo guryaha waayeelka.

Heshiiskan cusob ayaa ah mid jiraya hal sanno waxa uuna siinayaa mushaar kordhin dhan boqolkii 3, taas oo ah qiyaastii 650:- koron bishii.

Lakiin Mina oo ka shaqaysa guriyaha dadka waaweyn (hemstjänst) magaalada Göteborg ayaa tiri mushaar kordhintaan waa mid yar.

-heshiiskan waa xun yahay, waa mid aad u hooseeya. Dadkeena ka shaqeeya guriyaha dadyowga weeyeelka ah mushaarkooda ugu hooseeya waa in uu ahaado 22 000 bishii. Maanteyse waxa uu mushaarkayagu u dhaxeeeyaa qiyastii 18 000- 19 000 bishii.

Lakiin ururka Kommunal ayaa ayagu ku qanacsan heshiiska ay la galeen ururka shaqobixiyaasha ee degmooyinka iyo gobalada ee Af-Iswedhiska lagu yiraahdo Sveriges Kommuner och Landsting (SKL).

 Heshiiskan ayaa siinaya shaqaalaha ka tirsan Kommunla mushaar kordhin ka badan kan ay helen shaqaalaha warshadaha oo ahaa boqolkii 2,6. Heshiiska ay shelaan shaqaalala ka howl gala warshadaha ayaa markii hore ahaan jiray mid laga cabir qaato. Saas derted ayey Kommunal sheegeen in ay uhu qanacsanyahiin madaama ay hada helen hheshiis siinaya mushaar ka badan midka ay helen dadyowga kla howl gala warshadaha, sidaas waxaa yeri gudoomiyaha Kommunal Annelie Nordström.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".