Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Saxaafiyiintu waxay la jiraan xisbiga Miljöpartiet

La daabacay måndag 30 april 2012 kl 11.52

Boqolkii 41 saxaafiyiinta Sweden waxay qabaan in xisbiga Miljöpartiet yahay xisbiga ugu fiican. Sidaas waxa lagu sheegay baaaritaan ay samaysay macadka isgaarsiinta iyo saxaafada "JMG" ee kuyaala Jaamacada Göteborg.

Kent Asp oo ah barofesar saxaafada ka dhiga JMG ayaa masuul ka ah baaritaankaan. Waxa uuna baaritaan ku sameeyey dhamaan doorashooyinka ay ka qayb qaaten xisbiga Miljöpartiet, waxa uuna shaaca ka qaaday la jiritaanka saxaafiyiinka ay la jiraan hogaamiyaahsa xisbigaas ay keento in xisbigaas Miljöpartiet ka faa'ido saxaafada.

- Xisbiga bay'ada (miljöpartiet) saxaafado si la mid ah xisbiyada kale oo adag uma baarto. Waxayna ku suganyahiin baa la orankaraa soone nabad ah, saxaafaduna waxay xisbigaas marisaa labeen, ayuu yeri barafesor Kent Asp.

Tan iyo markii la sameeyey baritakaan qaytiisa hore 2005 waxaa kordhay la jiritaanka saxaafiyiinta Sweden ay la jiraan xisbiga Miljöpartiet boqolkii 19.

Xisbiga kale ee ay aad u tageeraan saxafiyiinto waxa weeyaan xisbiga garabka bidix "Vänsterpartiet" oo haysta boqoklii 15 tageerada saxaafiyiinta, waxaana kusoo xiga xisbiga Soshiyaaldemokratiga iyo weliba Moderadka oo midkiiba haysto taqeero ah boqolkii 14.

Marka loo barbardhigo si guud codbixiyaasha waxaa soo baxaysa in xisbiyada Miljöpartiet ityo Vänsterpartiet ay yahiin ku kuwo sida aadka ah u haysta taagerada saxaafiyiinta.

Saxaafiyiinta uu Miljöpariet ka haysto tageerada waxay ku badan yahiin Radio Sweden oo boqolkii 54 ay la jiraan xisbigaas.

Xogta: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".