Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiga Vänsterpartiet: hala canshuuro afarta bangi ee waaweyn

La daabacay måndag 30 april 2012 kl 15.34
Hogaamiayaha xisbiga bidixda "Vänsterpariet" Jonas Sjöstedt. Foto: Jessica Gow/Scanpix

Hindisaha miisaaniyad sannadeedka soo socda ee xisbiga bidixda "vänsterpartiet" oo loo gudbin doono barlamaanka dalkaan ayuu xisbigu doonayaa in lagu soo rogo canshuur shirkadeed dheerad ah afarta bangi ee ugu waaweyn dalkaan, oo kala ah Nordea, Swedbank, SEB iyo Handelsbanken.

Madaama ay bangiyadaan ka faa'ideystaan, sida uu Vänsterpartiet ku dooday ballanqaadka dowladda ee ka difaacaya in bangiyada waaweyn kacaan, uuna ballanqaadka dowligaana uu yahay mid bangiyadaan siinaya faa'idooyin dhanka tartanka suuqa marka loo barbrdhigo bangiyada kale, ayuu doonayaa xisbigu in bangiyadaan iska saraan masuuliyad dheerad ah arimaha bulshada.

Canshuur dheraadka ah ee ay doonayaan vänsterpartiet in lasaaro bangiyadaan ayaa ah boqolkii 5 taas oo ku soo kordhinkarta qasnada dowladda lacag dhan 3,9 bilyoon oo koron. Lacagtaas oo ay rabaan Vänsterpartiet in ay wax looga qabto shaqo la´aanta baahsan ee haysata dhalinyarta dalkaan.

Lakiin hindisaha miisaaniyada gu'gaan ee ay dowladda soo bandhigtay ayuu wasiirka maaliyada u calan luxay in ay dhici karto in la dhimo canshuurta shirkadahu bixiyaan sannadka soo socda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".