Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qodbadahii Kowda Maj

La daabacay onsdag 2 maj 2012 kl 10.19
Foto: Kina Pohjanen/SR.

Götaplatsen ee ku talaa magaalda Göteborg ayuu Stefan Löfven maalinti Talaadadii ku qabtay qodbadiisii ugu horeysay ee kowda Maj tan iyo inta uu noqday hogaamiyaha xisbiga Soshiyaaldemokratiga.

Maadada uu sida weyn uga hadlay qodbadiisa waxay ahayd shaqada, sidoo kale Löfven ayaa weeraray dowladda oo uu tilmaamey in ay ku guulderaysatay la dagaalanka shaqo la'aanta baahsan ee haysata dhalinyarada dalkaan. Waxa uuna ku doodey in kudhawaad 147. 000 oo dhalinyaro ah ay maantay shaqo la'aan yahiin.

Löfven waxa uu qodbadiisa ku balan qaadey in hadii uu hanto hogaan dalka 2014 uu hirgelinaayo gudi ka kooban ururada shaqaalaha, dowladda iyo cilmi baarayaal kuwaas oo katalo bixin doona siyaasad ku dhisan fikrado cusob.

Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga bidixdaa "vänsterpartiet" Jonas Sjöstedt ayaa asna ku qabtay Kungsträdgården Stockholm qobadiisii ugu horaysay ee kowda maj tan iyo inta uu noqday hogaamiyaha xisbigaas. Waxa uuna qobadiisa ku soo bandhigay talooyinka xisbigaas ee ah in canshuur dheerad ah laga qaado shirkadaha dalka, qaasatum in canshuur ah boqolkii 5 la dulsaaro bangiyada waaweyn ee dalkaan. Lacagtas ka soo xaroota canshuurtaas oo lagu maalgelin doono sida uu sheegay sidii loo abuuri lahaa 120.000 oo shaqooyin cusob ah.

Sjöstedt waxa uu sidoo kale balanqaadey in la haaagin doono sharuudaha ay la kulmaan shirkadaha yaryar taas oo loo mari doono in meesha laga saaro mushaarka ay bixiyaan xiliga uu qofka u shaqeeyo jirada ku qoranyahay, iyo in shirkadaha yaryar loo abuuro fursado siinaya fikrado cusob iyo fursado lagu xiiso gelinayo shirkadaha yaryarkaa sidii ay shaqaalo dheeraad ah u howl gelin lahaayeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".