Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

V oo Soo Bandhigay Hindisahooda Maaliyada

La daabacay onsdag 2 maj 2012 kl 12.17
Jonas Sjöstedt, Hogaamiyaha Vänsterpariet. Foto: Pernilla Wahlman/Scanpix.

Xisbiga Vänsterpartiet ayaa soo bandhigay hindisihiisa maaliyada . Xisbiga ayaa rabo in la baabi'yo gabi ahaan hadafka ah in dhaqaalaha guud faa'ido dheerad ah ka soo harto, taas oo ay rabaan Vänsterpartiet in lagu bedalo siyaasad dhaqaale oo casri ah oo isku dheeli tiraysa garangarta dhaqaalaha isla markaana lagu hirgelinayo hadaf ah shaqo abuuritaan.

- Shaqo abuuritaan buuxa waa in uu ahaado hadafka kowbaad ee laga duulayo marka laga hadlayo siyaasada dhaqaalaha, ayuu ku yeri war saxaafdeed xogyaha dhaqaalaha xisbigaas Ulla Andersson.

V ayaa soo bandhigay hindise ah maagelin, taas oo dhaqaalaha lagu maagelinayo ay ka imaanayso canshuur dheerad ah oo la dulsaaro bangiyada waaweyn iyo canshuur kordhiimo kale. Canshuurahaan ayaa sida xisbigu sheegay gacan ka gaysanaysa abuurida 120 000 oo shaqooyin ah. Taas oo sadex meelood meel laga abuurayo suuqa ganacsiga

xisbiga ayaa sidoo kale rabo in la maageliyo dhisida 40 000 oo guri sannadkii, guriyahaas oo la rabo in ay noqdaan kuwo waafaqsan bay'ad suuban. Waxa uuna xisbiga rabaa in la dayac tiro guryahii la dhisay 1960-70:kii oo ku yaala deegaanada loo yaqaano "miljonprogramsområden".

Sidey horay u shaaciyeen xisbiga ayaa rabo in ay meemariyaan canshuur dheerad kumeelgar ah oo la dulsaarayo afarta bangi ee ugu waaweyn dalkaan, kuwaas oo kala ah, Nordea, SEB, Swedbank iyo Handelsbanken.

Canshurtaan dheeradkaa ee ay ku taliyeen ayaa ah boqolkii 5 taas oo siinaysa qasnada dowladda 3,9 bilyon oo koron. Xisbiga ayaa raba in lacagtaas loo adeegsado sidii loogu abuuri lahaa dhalinyarta shaqo la'aanta ah, 23 000 oo boosas waxbarasho ah iyo 20 000 oo shaqooyinka Sommarka ah.  

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".