Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

IKEA oo lagu Dhaleeceeyey Isticmaalka Maxaabiis

La daabacay torsdag 3 maj 2012 kl 10.26

Shirkadda IKEA ee ka baayacmushtarta alaabada guryaha ayaa la sheegay inay shaqaale ahaan u isticmaashay maxaabiis dalkii hore loo oran jiray Jarmalka Bari, sida ku cad barnaamij caawa lagu soo ban-dhigi doono idaacadda la iska daawado ee SVT laantiisa Uppdrag granskning.

Sannadihii toddobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii ayey shirkadda IKEA iyo dawladdii jarmalka bari uu ka dhaxeeyay xiriir baayacmushtari ee soo saarka alaabada guryaha la dhigto. Iyadoona shirkadaha howlahaa u haystey qandaraaska ey adeegsan jireen xoogga maxaabiista, sida uu barnaamijka caawa idaacadda ka bixi doona ku ogaadey, kadib codsi uu ka dalbaday madxafka lagu keeydiyo qoraalladii sirta ahaa ee ciidankii ammaanka Stasi ee dalkii la oran jirey jarmalka bari. Waa mid dhici karta in alaabada dalkaa looga sameeyn jiray shirkadda Ikea ay qaarkood qayb ku lahaayeen maxaabiis.

Shirkadda Ikea ayaa sheegtay in aaney shirkaddu ka war-qabin in xaaladdu sidaa ahayd, isla-markaana bilowday baaritaan amuurtaa ku saabsan, sida uu sheegay Jeanette Skjelmose, mar uu shirkadda magaceeda ku hadlayay.
- Waxey noola muuqataa wax aan loo dul-qaadan karin in la isticmaaley xoogga-maxaabiis u xirnaa dhanka siyaasadda sidii ey uga qeyb qaadan lahaayeen wax soo saarka shirkadda. Waa amuur aan u aragno halis, aanna dooneeyno sidii aan uga gun gaari laheyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".