Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kaalmada EU Lama Siiyo Wadamada Saboolka ah

La daabacay torsdag 3 maj 2012 kl 10.56
Gunilla Carlsson. Foto: Bertil Ericson/Scanpix

In kabadan kalabar kaalmada dhaqaale ee EU waxaa la siiyaa wadamo aan sabool ahayn. Waxaa ka mid ah wadamada hela kaalmada dhaqaale ee EU, wadamo ay ka mid yahiin Serbia iyo Turk oo deeqahaas u adeegsada dhisida waaxaha asaasiga iyo jidadka. Taas oo ay wadmadaas ugu diyaar garoobayaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen iskutaga EU.

Warbixin barlamaanka Ingriiska soo bandhigay ayaa lagu sheegay in boqolkii 46 keliya kaalmadaha dhaqaale ee EU la siiyo wadamada saboolka ah.

Wasiirka kaalmada dhaqaalaha ee Sweden Gunilla Carlsson ayaa arintaas u aragta dhibaato weyn. Waxayna sheegtay in mar dhow EU waxa ka badalayso jihada ay kaalmadooda dhaqaale aado.

- Waxaan filaynaa "agenda for change" oo ah waxa ay ka wada soo shaqeeyeen wasiirada kaalmooyinka dhaqaalaha in ay cadeyso waxa ay EU samaynayso iyo sababta ay u samaynayso. Waxaana rabnaa in kaalmada dhaqaalahu aado wadamada ugu saboolsan, oo ayna isbadel dhaliso, ayey tiri Gunilla Carlsson.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".