Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nidaamka Dhexdhexaadinta Dhallinyarada Wax isu Geeysata

La daabacay torsdag 3 maj 2012 kl 16.39
Dhexdhexaadinta dhallaanka is dhibaateeya
(6:29 min)

War-bixin dhowaantan ay soo saartay hayadda hoggaanka bulshada ee Socialstyrelsen ayaa lagu qeexay in farqi ballaaran uu u dhexeeyo degmooyinka kolka laga hadlayo nidaamka dhexdehxaadin ee dhallinyarada dhibaatada isku geeysata ee dhibaha iyo la dhibaha.
Iyada oo suurtagalkaasi jiro iyo sidii looga faa’iideeysan lahaa ayay haddana aaney degmooyika qaarkood aaney howlo noocaasiya ku tallaabsan, sida ay sheegtay Pia Törstrand, gudoomiyaha ururka golaha dhexdehxaadinta ee Iswiidhen iyo sidii khilaafka wax looga qaban lahaa.

- Farqiga u dhaxeeya ayaa ah iney jiraan degmooyin leh howl-wadeenno howshaa fuliya iyo sidii ey ugu ban-dhigi lahaayeen bulshada halkaa ku dhaqan nidaam noocaasiya. Halka degmooyinka aan sidii looga baahnaa ugu taaba-gelin howlaha noocaasiya ey ka mid yihiin howlaha ey qabato laanta bulshada ee degmada, islamarkaana qayb yar ka ah howlaha. Mana ahan kuwo bulshada lagu casumo, waana tallaabo loo baahan yahay si saraakiisha ammaankuna ugu dhega-nuglaadaan dardar-gelinta howlahaa, sida ay sheegtay Pia Törstrand.

Illaa iyo horraantii 2008 ayaa degmooyinka dhammaantood lagu waajibiyey iney dhexdhexaadin ka furaan dembiyada ey kala galaan dhallin-yarada da’doodu aaney ka weyneyn 21-jir, waa haddii uu ruuxa dembiga geeystaa uu dembigiisa uu ka hor qirtay ciidanka ammaanka. 96 degmo ee ka mid ah degmooyinka dalka ayaa howlshaa sidii la rabay ugu dhaqaaqa. Inkasta oo hayadda hoggaanka bulshadu qabto in howlaha dhexdhexaadinta dhallin-yaradu aaney gaarin heerkii looga baahnaa ee goolku ahaa.

Siyaabo kala duwan ee loogu dhaqaaqo, wada-shaqeeyn aan aan hab-sami ku dhisnayn iyo tir-koob-darro ayaa ka mid ah daldaloollada howlaha dhexdhexaadinta.

Si haddaba howlaha dhexdhexaadinta loo dardar-geliyo ayaa loo baahan yahay is-kaashi ey middaa ka yeeshaan degmooyinka, saraakiisha ammaanka iyo xeer-ilaaliyaha, sida ay hayadda hoggaanka bulshadu ku qortay war-bixinteeda.

Niklas Mårtensson waa gacan-yare ka howl-gala hoggaanka maamulka ciidanka ammaanka, wuxuuna qabaa in war-bixinta hayadda maamulka bulshadu maskaxda ku dhalinayso su’aalo hor leh iyo halka iimuhu ka jiraan:
- Waa la oran karaa in habkan loo isticmaalo si aan baaxad lahayn, halkaasina uu ka jiri karo baahi sidii ay dhankooda uga hagaajin lahaayeen ciidanka ammaanku.

Dhanka kale waxaan soo dhoweeyneynaa farriinta war-bixinta iyo natiijadii laga gaarey. Iyo sidoo kale in dhammaan dhallin-yarada dembiyadooda qirta in loo ban-dhigo, sida uu sheegay Niklas Mårtensson.

Maxay tahay muhiimadda ku jirta ama goolka laga leeyahey in la kulansiiyo dhallinyarada dhibka isu geeysata, midka dhibban iyo kan dhibka geeystay?

Pia Törnstrand, waxay tobankii sannadood ee ugu dembeeysay dhexdhexaadiyenimo kaga howl-galeeysay degmada Istockholm, waxayna sheegtay in habkani uu qeyb ka yahay sidii uu ruuxa dhibka geeystay uu masuuliyaddiisa u qaadi lahaa.
- Badanaa waxey dadyowga dhibka geeystey sheegaan iney ka xun yihiin falka ey geeysteen iyo in aanu tala-galkooda ahyn. Waana iyaga kuwa ku horeeya iney ogolaadaan ka qayb-qaadashada dhexdhexaadinta. Halka dhibbanuhu uu goor dambe ogolaado dhexdhexaadinta.

Marar badan wuxuu falka dhexdhexaadintu noqdaa mid dembiyada looga hor-tagayo, sida ay sheegtay Pia Törnstrand. Iyadoona dhallin-yarada falkaa geeysataa ey ku adagtahay iney ku degdegaan fal-dembiyeedyo hor leh.

Halka ruuxa dhibbanaha ahina uu falka dhexdhexaadinta ku gaaro natiijo ah in su’aalo gubayey uu jawaab u helo, sida ay sheegtay Pia Törnstrand:

- Tallaabada uu dhibbanuhu ku tallaabsado inuu dhexdhexaadinta kaga qayb galo ayay ugu wacan tahay sidii uu jawaab waafiya ugu heli lahaa falka lagula kacay. Ma ahan jawaabta uu doonayo ruuxa la dhibaateeyay ”maxaad ii dishay” ee waxay tahay ”maxaad ii geeysatay?”. In caddeeyn laga siiyo sababta isaga ama iyada falka loogu geeystay. Su’aalo noocaasiya oo kale.

Dhexdhexaadinta ayaa inta badan dhacda inta aan la gaarin xilligii maxkamaddu dhici lahayd. Iyadoona maxkamaddu si ka duwan u dhacdo kolka aanay dhexdhexaadini ka horayn, xitaa kolka laga hadlayo ciqaabta xukun ee maxkamadda laga go’aamiyo, sida ay sheegtay Pia Törnstrand:

- Waa xaqiiq in habka dhexdhexaadintu uu saameeyn ku yeelan karo go’aanka xukunka maxkamaduhu ridaan. Sidaasi oo ay tahay ayay haddana ku xusan tahay buugga dembiyada marka laga yimaado dhexdhexaadin iyo la’aanteedba in fiiro-gaar ah loo yeesho haddii uu ruuxa falka dembiga ah geeystay isku dayo sidii uu ku qaan-bixi lahaa, sida ay Pia Törnstrand sheegtay.

                                                  kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".