Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Adkeeynta Isticmaalka Taageerada Dhaqaale ee Xisbiyada

La daabacay måndag 7 maj 2012 kl 09.05
Låtskrivare och bidrag. Grafik: Jens Finnäs / Sveriges Radio

In lagu khasbo xisbiyadu iney caddeeyaan howlaha ey u isticmaalaan miisaaniyadda dhaqaale ee lagu taageero kolka laga hadlayo howlaha degmooyinka, sida uu soo ban-dhigay baaritaan. Xisbiyo badan ayaa iminka u isticmaala dhaqaalahaa howlahooda qaran ee xisbigooda, halka uu ku tala-galku ahaa howlaha la xiriira degmooyinka, gobollada iyo wixii la mid ah, sida ku cad war aannu ka soo xiganay laanta wararka ee Ekot.

Guddi-hoosaadka dastuurka ee baarlamanka oo middaa baaritaan ku sameeyay middaa ayaa lagu cadeeyay in xisbiga Sooshiyaaldimoqoraadigu (S) yahay xisbiga keliya ee dhaqaalahaa u isticmaalin howlaha xisbiga ee qaran. Halka xisbiyada Dhexe (C) iyo Doogguna dhaqaale aan sidaa u badnayn u isticmaalaan, marka loo barbar-dhigo xisbiyada kale.

Baaritaankan ayaa la soo ban-dhigi doonaa maanta oo isniin ah, kaasina oo uu hor-kacayo Stig Nyman, kana mid ah siyaasiyiinta xisbiga Kristendimoqoraadiga ee gobolka Istockholm. Nyman ayaa aaminsan in natiijada baaritaankiisani horseedi doono in xisbiyadu dib isugu noqdaan iyo dib u fekerid.

                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".