Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dacwad lagu Soo Oogey Dembiile Dad Laayay

La daabacay måndag 7 maj 2012 kl 11.14
Sawirleh: Polisen och Scanpix

Maanta ayaa la shaacin doonaa dembiyada lagu soo oogey dembiile loo haysto inuu ka dambeeyay dil iyo dhaawacyo loo geeystay dad asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa. 
Dembiyada lagu tuhunsan yahay eedaysane Peter Mangs ayaa ah saddex dembi oo dil ah iyo 13 dembi oo isku day dil ah ee muddadii u dhexeeysay 2003 iyo 2010, iyadoona gacanta lagu dhigay muddo iminka laga joogo sannad iyo bar horteed.

Horraantii ayuu ciidanka ammaanku u haystay in dadkan si gama' ah loo doortay, hase yeeshee uu dabadeed soo baxay sawir muuqda iyo iney falalkani ahaayeen kuwo loo diyaargaroobay.

Baaritaanka fal-dembiyeedyadan oo maanta la soo ban-dhigi doono ayaa ka kooban 30 000 oo bog.

Börje Sjöholm, waa madaxa howl-gelinta dembi-baarista ee gobolka:
- Waa dacwad aad u ballaaran, sidoo kale culeeys ballaaran ayaa naga soo wajahey bulshada dhankeeda.

Peter Mangs oo dacwadda lagu soo oogay ayaa iska dheereeyay dacwaddan, middaasi oo adkeenaysa in dhibbaneyaashu jawaab sugan u helaan sababaha falkaa lagula kacay, kolka ay dacwadda maxkamaddu furanto horraanta toddobaadka foodda innagu soo haya. Jeanette Persson, ahna hooyadii dhashay Trez West Persson ee toogashada lagu dilay bishii oktoobar ee sannadkii 2009:
- Haddii jawaab dhab ah loo heli lahaa sababta falkaa loogu geeystay gabadhayda. Midda ka adag waxay tahay inaan wax jawaab ah laga bixin.

Isha: ekot

                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".