Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Qaxootiga

Qaxootiga iyo siyaasada xisbiyada

La daabacay måndag 7 maj 2012 kl 13.19
Sawirle: Bertil Ericson/Scanpix.

Xisbiga cagaarka ee Miljöpatiet ayaa ku hanjabay in ay tirtirayaan heshiiskii ay la galeen dawlada ee ku aadana qaxootiga. Siiba kuwa bila sharciga ah ee dalka ku sugan een raadsan karin gargaarka caafimaadka.

Xisbiga cagaarka ayaa u arka in wada shaqaynta dawlada ee la xidhiidha qaxootiga ay caga jiid ku socoto, tusaale dadka bila sharciga ah ee ku sugan dalka in aanay raadsan karin gargaar caafimaad.

Xisbiga cagaarka ayaa ku fikiraya in ay gabi ahaan ka baxaan wada shaqaynta su'aashan, sidaas waxa sheegay mid ka mida gudoomiyayaasha xisbiga cagaarka ah, Gustav Fridolin:

- Heshiiskani waa mid qiimihiisii beelay, heshiis waxa la yidhaa in la fuliyo wixii lagu heshiiyo ayuu sheegay Gustav Fridolin.

Sannadkii hore ayey ahayd markii ay heshiis wada galeen xisbiga cagaarka ah iyo dawladu, taaso loogu yeedhay wax ( Taarikhiyan ah)

Xisbiga cagaarka ah ayaa u jeeda in ay hadda noqon lahayd wakhtigii dadka bila sharciga ah ee dalka ku sugani ay heli lahaayeen kaalmada caafimaadka taaso aan hadda jirin.

Gustav Fridolin ayaa sheegay in ay ku noqotay wax adag la tashiga dawlada sheegayna in dawlada lafteedu kala qubantahay oo aanay heshiis ahayn.

- Runtii wax adag ayey ku ahayd dawlada ka xaajoodka arinkani maadaamoo aan dawladu ahayn mid is raacsan.Wasiirka arintani ay miiskiisa saarantay waa wasiirka arrimaha bulshada Göran Hägglund oo ka tirsan xisbiga (KD). Balse xisbiga talada haya ee ( M ) ayaa isbaaro hordhigta marku fara galiyo arinkan, ayuu sheegay Gustav Fridolin.

Balse waxaan ku raacsanayn wasiirka socdaalka Tobias Billström oo ka tirsan xisbiga talada haya ee (M), sheegayna in aanay ka cabsi qabin in wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo xisbiga cagaarku aanay noqon mid hakata, jiraana wada hadalo khuseeya sidii dadyowgaasi u heli lahaayeen ama uga qayb qaadan lahaayeen goobaha caafimaadka.

Tobias Billström ayaa raaciyey hadalkiisa in aanay xal u heli doonaan arinkan.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".