Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Caafimaadka

Dhibka kiniinka dhalmada tirtira

La daabacay måndag 7 maj 2012 kl 15.16
Sawirle: Christine Olsson/Scanpix.

Gabadhii saddexaad ee isticmaasha kiniinka dhalmada joojiya ayaa la sheegay in u dhig madaxa ugu furmo kiniinkaas darteet, sidaas waxaa sheegay profosoor ka hawl jaamacada magaalaada Göteborg.

Profosoorkan arintan ka hadlay ayaa lagu magacaaba Ian Milsom, aqoona u leh xanuunada ku dhaca ilma galeenka iyo wixii la xidhiidha.

Waxa jirta gabadh jirtay 16 sanno oo dhimatay kadib markii u dhiig madaxa uga furmay, taaso la dhihi karo dhakhaatiirta ayaa seegtay in ay caawiso gabadhaas.

Dhibaatada dhiiga madaxa dadka kaga furanta ayaa ah mid u da'a wayn sidaa kiniiniga uurka tirtira ee la yidhaa P-Pillret.

Waxyaabaha lagu garto qofka madaxa dhiigu ugu furmo ayaa ah qaar aan cadayn.

Tusaale waxa dhici karta in u qofku u doonto gargaar dhakhtarka una sheego in u garabku xanuunayo, kadib dhakhtarku waydiiyo haddii ay jirto dhaawac ka soo gaadhay dhanka Sportiska, taaso badanaa ay dumarka dhibaataysani ku jawaabaan ( Maya) waayo dumarku uma arkaan kiniinka dhalmada tirtira in u yahay Daawo caadiya.

Waxa lagu qiyaasaa ilaa 150 dumara inta u madaxa dhiig uga furmo, taaso loo xidhiidhiyo in ay ugu wacantay kiniinka ay cunaan ee dhalmada tirtira ee lagu magacaabo p-pillret.

Isha: GP

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".