Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Ganacsiga Jidhka

Iibsiga galmada dhalaanka

La daabacay måndag 7 maj 2012 kl 16.42

Nimanka iibsada galmada caruurta ee da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 18 ayaa badanaya isla markaasna ka badbaada xadhiga xabsiga, sidaasi waxay ku caday baadhitaan ay samaysay wargeeyska Dagens Nyheter.

Sida ku cad warbixin ay soo saartay hayada ka hortaga dambiyada (Brottsförebyggande rådet) ayaa tilmaamaysa in 175 dacwo oo ah galmo lagula kacay caruurta ay soo gaadhay bilayska intii u dhaxaysay sannadkii 2006 ilaayo 2010.

Ugu yaraan todoba dambi ayaa horseeday xukun maxkamadeed, halka mid ka midana xukun xabsi lagu riday.

Isku wada geyn dalka oo dhan waxaa jiray ilaa 26 xukun oo ka mid ahaa 542 dacwadood oo la soo gaadhsiiyey bileyska.

Sannadkii 2005 ayaa aad loo xadiiday xukunka dadka gala dambiyo la xidhiidha kufsiga iyo iibka galmada caruurta oo hore u ahaan jiray 6 bilood lagana dhigay laba sanno.

Haddii lagula kaco fara xumayn ilma jira 15 sanno waxay noqonaysaa dambi aad u xun oo waxa loo xisaabinayaa kufsi dhalaan, waana khatar.

Isha: Dagens Nyheter

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".