Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Twitter

Xawliga isticmaalka Twittarka

La daabacay måndag 7 maj 2012 kl 17.26

Sannadihi ugu dambeeyay ayaa waxa xawli ku socda isticmaalka aalada Twittarka ee laga isticmaalo dalkan Sweden, tirada isticmaalayaasha ayaa madaxa la gashay 300 000.

Isticmaalkan ayaa laba laabmay, sida ku cad baadhitaan la sameeyay.

Maanta waxa jira ilaa 300.000 oo kun oo konto oo uga furan dadka degen dalkan Sweden, tiradaas ayaa ahayd sannad ka hor 100.000.

Arinkan ayaa waxa xaqiijiyey xafiiska xidhiidhka ee Intellecta .

Warbixintan ayaa ka mida warbixin soo socota dhawaan oo lagu qiyaasayo dadka degen dalkan ee isticmaala aaladan.

Waxa kale oo warbixintan ku cusub in ay jiraan dadyoow aan hore u isticmaali jirin aaladan balse hadda aad u isticmaala.

Awal hore ayaa waxa isticmaali jiray dadka suxufiyiinta ah, balse hada waxa aad u isticmaala sida ardayda, dadka xiiseeya muusikada, sportska iyo dadka caadiga ahba.

Isha: SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".