Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Caafimaadka

Jeermis ka awood weyn Antibiotika

La daabacay tisdag 8 maj 2012 kl 09.23
1 av 3
Sawirle: HZI/Håkan Lindgren/Scanpix.
2 av 3
3 av 3

Dadka ay ku dhacdo baakteeriyada aanay dawada antibiotika karin ayaa kordhay mudooyiinkii ugu dambeeyey, ESBL waa enzym taaso ah mid burburinaysa awooda ay leedahay dawada ka hortagta baakteeriyada ee loo yaqaan antibiotika.

Dhibka ugu wayni wuxu yahay in noocyo ka mida jeermiska ama baakteeriyadu ay dhisto waxa loo yaqaan (enzym, ESBL) taaso baabiinaysa awooda dawada Antibiotikada ah.

Dadka uu dhibkani ku dhacay sannadkan ayaa tiradooda lagu qiyaasa 5666 oo qof, sida ku cad warbixin ay soo saartay hayada ka hortaga cudurada faafa ee afka Swedhiishka lagu yidha ( Smittskyddsinstitutet).

Sidoo kale xanuunka loo yaqaan ( sjukhussjukan, MRSA ) xanuunka dhakhtarka ayaa isna kordhay taaso yaab noqotay kadib markii uu dadka xanuunkani ku dhacay aanay gargaar caafimaad ka helin rugaha caafimaadka, balse ay gargaar ka helaan bulshada dhexdeeda.

ESBL waa enzym taaso ah mid burburinaysa awooda ay leedahay dawada ka hortagta baakteeriyada ee loo yaqaan antibiotika.

Jermiskan ayaa ah mid ku dhaca midhicirka, jeermiskan ayaa ah mid aad khatar u ah sababtoo ah, dawada qudha ee jeermiska lagula dagaalamo ay tahay Antibiotika.

Laba ka mid ah saddexdii qof ee u ku dhaco waa dumar, dhibaatooyinka ugu waawayni ee lagala kulmo ayaa ah in infekshan ku dhaco kadi mareenka, badanaana ku dhaca dumarka.

Wadamada kale ee Yurub ayaa dhibkani ka yahay mid qasid badan iyo jahwareer ku riday, sida ay sheegayso hayada la dagaalanaka jeermisyada faafa ( Smittskyddsinstitutets )

Wadamadda Talyaaniga iyo Giriiga ayaa iyagu takoora dadka u ku dhaco jeermiskani, si looga badbaadiyo bulshada inteeda kale. 

Hoosta ka daawo dhismaha jeermiska.

Isha: Ekot

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".