Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Bulshada

Guur beenoobay

La daabacay tisdag 8 maj 2012 kl 09.53
Sawirle: Axel Öberg / Scanpix

Tira gaadhaysa ilaa 30 qof oo isku guursaday magaalada Uppsala ayaa la sheegay in aanay waxba ka jirin guurkooda, sababtoo ah in qaadiga isku aroosayey dadyowgani aanu.....

- haysan aqoonsi ...

Sababta keentay in guurka dadkan lagu sheego mid aan sharciyayseen ayaa salka ku haya kadib markii qaadiga isku nikaaxayey oo ah xildhibaan fadhiya degmada laguna magacaabo Lena Hartwig aanay cusboonaysiin ama loo dhayrayn sharcigii ay meherka ku fulin lahayd.

Sidaas waxa weriyey TV-GA dalkan Sweden qaybtiisa ABC.

Hadda ayey khatar ku jiraan dadkii wakhtigaas fuliyey nikaaxooda in hayada caymiska ( Skatteverket ) ay ku macnayso wax aan waxba ka jirin.

Degmada ayaa isku dayaysa in ay gadal ka cusboonaysiiyaan sharciga qaadiga Lena Hartwig si nikaaxyadii ay samaysay noqdaan qar saxa,

Haddii arinkan aan lagu guulaysan ayaa laga yaaba in ay dadkan hore isu guursaday ay dacwadooda gaadhsiiyaan dawlada.

Isha: TT

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".