Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Caafimaadka

Ka hortaga baruurta

La daabacay tisdag 8 maj 2012 kl 09.57

Wasiirka bulshada Göran Hägglund ayaa raba in u dhimo baruurta dadka buurbuuran fuusha ee loo yaqaan ( "fetmaepidemin"). Dhamaadka sannadkan ayuu wasiirku isugu yeedhii doona masuuliyiinta dawlada si u arinkan ugala xaajoodo.

Wasiirka ayaa raba in u shiriyo masuuliyiinta hayadaha cuntada, madaxda ku hawl gasha dhismaha, iyo hayada dalkan u qaabilsan caafimaadka Lansting.

Sido kale wuxu wasiirku la tashan doonaa ururada iska wax u qabsada ah sidii u ugala xaajoon lahaa ka hortaga wixii ka soo horjeeda caafimaadka, sidaas waxa maanta qoray wargeyska DN.

Wasiir Hägglund ayaa raba in la dhiso wadooyin u gaara baaskiiladaha, lana kordhiyo qudaarta oo la ag dhigo halka maqalka ah ee lacagta lagu bixiyo lagana xooro sida nacnaca chokolaatada iyo wixii u daran caafimaadka.

Fikirkan ayaa ah mid u wasiirku ka soo guuriyey dalka Britan oo ay dawlada maamuushaa ay soo bandhigtay qorshe qaran oo lagula dagaalamo baruurta iyo wixii u daran caafimaadka.

Isha: DN

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".