Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Qaxootiga

Dejinta qaxootiiga wadanka ay ku soo horeeyaan

La daabacay tisdag 8 maj 2012 kl 11.29
Cecilia Malmström, Madaxa EU u Qaabilsan arimaha qaxootiga. Sawirle: Etienne Ansotte/EU-kommissionen

Laanta socdaalka ayaa nooqotay baryahan dambe mid hadal haynteedu badato. Suaasha soo galaytiga ayaa noqotay mid baryahan dame aad looga hadlo, maanta ayaa lagu soo gaba gabaynayaa shir looga hadlayo in soo galaytigu ku nagaadaan wadanka ugu horeeya ee ay iska dhiibaan.

Sharciga loo yaqaan ( Dublinförordningen ) oo macnahiisu yahay in qofka doonaya in loo aqoonsado qaxooti u xaq u leeyahay in uu iska dhiibo wadanka u ku soo horeeyo ee ka mida dalalka  ka midka ah isu taga Yurub, EU.

Baarlamanka isu taga wadamada Yurub ayaa rabay in ay hirgaliyaan in ay joojiyaan in qaxootiga loo celiyo wadamada ku yaal yurub ee nidaamka qaxootigu aanu sax uga shaqayn sida wadanka Giriiga.

Balse waxa fikirkaas joojiyay wadamo ka mida dalalka Yurub oo hor istaagay qorshahaas kuwaaso keenay qorshe dhexdhexaad ah oo maanta lagu go'aamin doono kulan ay leeyihiin.

Go'aamada yaala waxaa ka mida in hore laga ogaado wadamada aanu sharcigani ka shaqaynayn, sida ay sheegtay Cecilia Wikström oo ah shakhsiga qaabilsan ama madaxda ka ah go'aankan maanta soo bixi doona, waxayna sheegtay:

- Waxaan ka qaba rajo wayn in wadamada ku guul daraystay in ay ka shaqaysiiyaan kana hirgaliyaan wadamadooda nidaam shaqeeya, intaasna raacisay in ay wadamada qaar haysan nidaam dhisan halka qaar kalana aanu si wacan u shaqayn in la xoojiyo nidaamka oo la hirgaliyo.

Isha: Ekot

kKasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".