Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.
Cimilada

Qashinka afrika loo dhoofiyo

La daabacay tisdag 8 maj 2012 kl 15.17
Sawirle: Marcus Hansson

Qashin badan oo ah kan warshadaha ka soo hadha ama alaabta duuga ah ee korantada ku shaqeeya ayaa loo dhoofiya dalalka dibada siiba waqooyiga Afrika, qashinkaas ayaa haleeya cimilada goobahaas.

Sannadkan oo qudha ayaa waxa lagu qabtay dalkan Sweden in gaadhaysa labaataneeyo xamuul ah oo ay ku raranyiin talaajado duuga.

Dhawaan ayaa la hor keenay maxkamad dadyowgii lagu qabtay alaabta duuga ah ee ay dalka ka saarayeen.

Saddexdii sanno ee ugu dambaysay ayaa waxa la joojiyey ilaa 60 xamuul ah oo ay ku raranyiin 900 oo tan oo qashin ah.

Alaabtan ayaa laga helay konteeynarada xamuulka lagu dhoofiyo kuwooda cabir ahaan ah 12-ka meter, tiradooduna gaadhaysay 40 kontaynar.

Kontaynaradan ayaa waxa ku cabaysnaa alaabooyin duuga sida, kompiyuutaro layska xooray oo qashinka lagu daray, alaabta gawaadhida oo duuga, talaajadaha layska xooray, aaladaha korantooyinka oo iyaguna duuga, shaashadaha Tv-yada layska xooray iyo waxyaabo kale oo daxalaystay.

Meesha loo waday ayaa ahayd waqooyiga Afrika.

Isha: TT

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".