Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Qaxootiga

Kocbinta waxbarashada qaxootiga

La daabacay tisdag 8 maj 2012 kl 15.33

Qorshe cusub oo siinaya waxbarasho sare ardayda ajahanabiga ah ee yimid dalkan Sweden ee ka soo daahay wakhtigii waxbarashadu bilaabmatay ayaa maanta lagu lafa guray kulan ay ka qayb qaateen masuuliyiin sar sare.

Arinkan ayaa ah mid la doonayo in xuduudka waxbarashada la geeyo 18 sanno, si ardaygu u helo waxbarasho miisaaman oo anfacda.

Mawduucan ayaa baadhitaan lagu samaynayaa isbuucan waxaana ka qayb qaadanaya, wasiirka waxbarashada Jan Björklund, ku simihiisa Nyamko Sabuni iyo wasiirka is dhexgalka Erik Ullenhag oo maanta sameeyey kulan saxaafadeed.

Khuburada baadhitaankan ku jirta ayaa ka fikiraysa in ardaydaas ka soo habsaantay wakhtigii waxbarashada la siiyo waxbarasho dheeraad ah, iyo sidii xooga loo saari lahaa maadooyinka muhiimka ah oo looga horeeysiin lahaa kuwa kale.

Sidoo kale hayada iskuulaadka ee Skolverket ayaa loo diray in ay soo ogaadaan qiyaasna saaraan waxbarashada soo galaytiga cusubi inta ay leegtahay, taaso macnaheedu yahay in caruurta cusub loo geeyo caruur ay ka weyn yihiin, ayeey sheegtay Nyamko Sabuni:

-Waxaan ula jeedna in ay muhiim tahay in cabir la saaro wakhti hore waxbarashada caruurta dhalaanka ah ee ku cusub dalka si loo ogaado meesha wax looga bilaabayo. Muhiimada ayaa ah in ardayga ku cusub dalka looga bilaabo meesha ay waxbarashadiisu taagan tahay oon loo gayn arday ay isku sannad dhashee, haddii ay u baahanyihiina waxbarasho dheeraad ah loogu daro saacado dheeraad ah, ayeey sheegtay Nyamko Sabuni.

Sharciga maanta ka shaqeeya iskuulaadka ayaa ah in ilmuhu iskuulka galaaska koowaad laga xaadiriyo marka u buuxiyo todoba sanno ilaa intu ka baxayo fasalka sagaalaad.

70 000 oo arday ayaa dalka dibadiisa ku dhasha ama ka yimaada, taaso u dhiganta boqolkiiba % 10.

Ugu yaraan boqolkiiba % 63 ayaa ku guulaystay in ay galaan dugsiyada sare sannadkii 2010, taaso ah macnaheedu yahay in tiradan hoos u dhaci ku yimid, arinkan ayaa dawladu ku macnaysay in ay sabab u tahay in caruurta wadanka yimaada ay jiraan da'a wayn taaso u horseedaysa in ay lumiyaan sannado badan oo waxbarasho ah.

Waxa kale oo jira in ardayda caruurta ah ee maanta timaada dalkan Sweden ay ka yimaadaan wadamo kale oo ka duwan sida ardaydii barigii hore iman jiray, sidaas waxa sheegtay dawlada.

Reporter: Anders Ljungberg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".