Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Södertälje

Hoos u dhaca shuftooyinkii Södertälje

La daabacay onsdag 9 maj 2012 kl 09.11

Hoos u dhac ku yimid ururadii shuftooyinka ahaa ee degmada Södertälje kadib markii maxkamad la soo taagay 17 qof oo ka mid ahaa shuftooyinkaas.

Maanta ayaa xeer ilaaliye soo afjarayaa dacwadii loogu magaca daray  (Södertäljerättegången) maxkamadii Södertälje, taaso noqotay maxkamadii ugu weynayd dalkan Sweden ee la xidhiidha shuftooyinka.

Maxkamadan ayaa waxa la hor keenay 17 qof oo dacwad lagu soo oogay.

Bulshada degen degmadaas Södertälje ayaa aad u dareentay faraqa u dhexeeya deegaankaas ay degen yiin kadib markii shuftooyin badan laga xayuubiyey xoriyadoodii.

Mid ka mida dadka degen deegaankaas ayaa sidan ku tilmaamay isbadalkan :

- Jawigu wuxu noqday mid ka duwan kii barigii hore, dariskaygu way awoodaan in ay hadlaan, caruurtu dabada ayey mudo ku ciyaaraan, rasaastina way istaagtay ayuu sheegay.

Lars-Erik Hanhart iyo dadyoow kale oo badan ayaa dareemay naacawda degenaasho ee ay degmadani gashay, degmadan oo hore u ahaan jirtay mid ay shuftooyinku isku dili jireen.

Sheekadan ayaa cirka isku shareertay kadib markii sannadkii 2010 lagu dilay degmadaas ciyaartoygii Eddie Moussa iyo walaalkii .

Eddie Moussa ayaa u ciyaari jiray kilaabka  Assyriska, waxaana lagu toogtay kilaab lagu khamaaro isaga iyo walaalkiiba.

Arinkan ayaa noqday mid caan ka noqda shaqada bilayska, halkaaso ay isugu tageen sagaal hayadood oo u kamid yahay bileysku.

17 qof ayaa la qabtay oo u ka mid yahayhogaamiyihii ururka shuftada ah ee lagu magacaabo Södertäljenätverket.

Maanta ayaa ay taagantay maalintii 57: ee ay socotay maxkamadani.

Balse wax wayn ayaa iska badalay degmada Södertälje. Patrick Ungsäter waa madaxa bilayska degmadaas:

– Waxa farxad noo ah in dambiyadii ay yaraadeen gabi ahaan degmadan, markay noqoto cadaadiska dadka lacagta lagu qasbo in ay bixiyaan, waxaanan xaqiijinayaa in ay door wayn ka qaadatay maxkamada hada socota, waxaan u malaynayaa in hada aanu helnay natiijadii.

Dambiyada Södertälje ayaa hoos u dhacay tira gaadhaysa 3 500 oo dambi saddexdii bilood ee ugu horeysay, taaso macnaheedu yahay in %14 ay hoos u dhacday.

Sida ku cad warbixin ka soo baxday hayada ka hortaga dambiyada (Brottsförebyggande rådet) ayaa muujinaysa in ay hoos u dhacday baabuurta la jabsado ama la xado in ku dhaw boqolkiiba % 40, halka handadaada iyo hanjaabaaduna ay hoos u dhacday % 35.

Sidoo kale dambiyada la xidhiidha hubka ayaa iyaguna hoos u dhacay boqolkiiba % 34.

Ekot

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".