Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Laanta Socdaalka

Xukunka kala duwan ee laanta socdaalka

La daabacay onsdag 9 maj 2012 kl 10.08
Keydka sawirada: Adam Ihse/Scanpix.

Maxkamada laanta socdaalka ee dalkan ayaa la ogaaday in ay kala xukun duwanyiin dhanka isu keenida dadka kala maqan. Tusaale ahaan magaalada Malmö iyo Gävle ayaa faraq wayni u dhaxeeya

Walidiinta degen magaalada Malmö ayaa ka heli og jawaabaha ay ku farxaan ee ah in dadkooda ka maqan loo keeni doono, halka dadyoowga degen magaalada caasimada u ah dalkan Sweden ay badana maxkamada sare ee laanta socdaalku diidmi siiso dadyoowgaas raba in ay keenaan dalkan Sweden.

Sababta keentay faraqa intan leeg ee u dhaxaysa labada magaalo ayaa ah in ay maxkamadaha labada magaalo ay si kala duwan u turjuntaan.

Dhawaan ayey ahayd markii la soo saaray go'aan ah in laysu keeno dadyoowga kala maqan iyadoo shuruud looga dhigay in ay is yeeshaan dheecaanka DNA dadyoowgaas kala maqan.

Balse hada ayaa la ogaaday in go'aankan ay maxkamaduhu u kala turjuntaan si kala duwan.

Soomaali badan ayaa sugaysa in loo keeno qaraabadooda balse wali waxaan si rasmi ah u bilaabmin qaadida dheecaanka DNA.

ilaa hadda dadyoow badan oo Somali ah ayaa sugaya in ay kuwada noolaadaan dalkan Sweden.

Magaalada Gälvle ayaa maxkamadaha laanta socdaalku badi gaashaanka ku dhuftaan xukumada dadyoowgaas kala maqan, halka Malmö tahay mid aad uga duwan.

Kala soco webkanaga wixii dheeriya ee ka soo kordha arinkan.

Kasim.abdulkadir@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".