Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Degmooyinka Qaar oo diida gudniinka wiilasha

La daabacay fredag 20 juli 2012 kl 11.22

Shan kamid ah landsting-yada dalkaan ayaa diida gudniinka raga ee aan arin caafimaad darteed loo samaynin. Inkastoo ay sadex sanno ka hor ku taliyey ururka Sveriges kommuner och landsting, SKL, in dhamaan degmooyinka iyo gobaldo ay u ogalaadaan dadka raba in ay wiilashooda gutaan.

Talada SKL ayaa salka ku haysay in hadii loo diido dadka raba in ay wiilashooda gutaan ay taa kamicno noqon karto ku xadgudub xoriyada diiinta. Talada ayaa ay SKL uga gol-lahayd si loo dhowro wanaaga caruurta oo aysan u dhicin in daadka ay weelashooda ku gutaan guriyahooda.

Karin Lundström oo ah gudoomiya caafimaadka iyo daryeelka ee gobalka Västerbotten ayaa wargeyska DN u sheegtay in gudniinka weelasha ahayn wax shaqo ku leh daryeel caafimaad, landstingoodana ay haysto dhaqaalo xumo, saas darteedna ay tahay in ay mudnaanta siiyaan dadka jiran.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".