Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Färre får asyl

Dalabka labaad ee magan gelyada Iswiidhan oo la adkeeyay

La daabacay måndag 23 juli 2012 kl 10.39
Scanpix

Waxaa sii adkaaday sida ay sharci deganaansho ku helayaan dadka waraaqaha aqoonsiga aan heysan ee mar kale ka dalbada Iswiidhan magan gelyo iyada oo berigii hore ku dhowaad ay cid walba heli jirtay sharciga deganaanshaha haddii qof uu dalbado mar kale iyada oo keliya qofka ay muhiim aheyd in waqti badan uu ku sii noolaado Iswiidhan ka gadaal markii dalabkiisii kowaad la diiday.

Waxii ka dambeeyay sanadkii 2009-ka xitaa waxaa adkaatay in sharci ay helaan dadka diidmada la siiyo balse waqti dheer ku sii noolaada Iswiidhan diidmada ka dib.

Nin u dhashay dalka Iiraan lana yiraahdo Teimur Zahiri ayaa ka mid ah dadka markii labaad diidmo la siiyo ka dib markii ay codsi degagaansho siin ah ay weydiisteen hay'ada socdaalka ka dib diidmadii kowaad ee dhowr sano ka soo wareegatay inkastoo Teimur Zahiri ku noolyahay Iswiidhan muddo toban sano ah.

Teimur Zahiri ayaa sheegay in xaaladiisa ay murugsan tahay waayo waxuu sheegay in Iswiidhan ku noolyahay toban uusana ku laaban karin dalkiisa hay'ada socdaalkana ay ogtahay waxa ku dhici kara hadii uu  laabto isaga oo sidoo kale sheegay in mudo toban sano ah uusan arkin xaaskiisa iyo caruurtiisa oo weli ku nool Iiraan.

Waxaa sanad walba laga saaraa Iswiidhan intooda badan dad gaaraya 20 000 oo ah dadka loo diido codsiyadooda magan gelyo doonka iyada oo 15 000 oo tiradaasi ah lagu celiyo wadamadooda hase yeeshee saddexdii sano ee ugu dambeysay tiro yar oo gaaraya ku dhowaad 500 oo ruux oo sii joogay Iswiidhan ayaa mar kale dalbaday magan gelyo ka dib markii ugu yaraan afar sano si dhuumaaleysi ah ay isaga sii joogeen dalka hase yeeshee weli waa ay ku adagtahay dadkaasi in ay sharci deganaansho helaan.

Mudada is qarinta afarta sano ee qofka sharciga loo diiday ayaa waxaa la yiraahdaa waqtiga burinta ama jebinta ciqaabta.

Isbedelkan sii adkeeyay helida magan gelyada ee dadka mudo ku noolaada Iswiidhan ka dib diidmada hore ayaa yimid sanadkii 2009-ka ka dib markii maxkamad socdaalka ay soo saartay sharci ah in qofka magan gelyo doonka ah uu la shaqeeyo hay'adaha dowlada sidoo kalana uusan qofka ka dhuuman booliiska iyo hay'ada socdaalka haddii uu wajaho go'aan ah in dalka laga saaro.

Fredrik Bejer oo gacan yare u ah madaxa qeybta cadaalada ee hay'ada socdaalka ayaa sheegay in ay caadi is ka tahay in ay jiraan dad magan gelyo doon ah hadana aan ogoleyn in ay fuliyaan qawaaniinta degsan waxuuna sheegay in hay'ada socdaalka aysan ku bixin karin sharci in qofka uu is qariyo ilaa iyo xilliga la yiraahdo waqtiga burinta ciqaabta ee afarta sano.

Fredrik Beijer ayaa sheegay in qofka magan gelyo doonka laga doonayo sabab adag oo lagu siin karo sharciga deganaanshaha sida in qofka uu heysto caruur la joogta Iswiidhan oo qatar wejihi kara haddii la celiyo isaga oo sheegay in qoysaska heysta caruur muddo ku nooleed Iswiidhan ay micnaheedu tahay in ay adag tahay in laga saaro Iswiidhan waayo buu yiri waxaa suuragal ah in ahddii caruurtaasi la celiyo ay waxyeelo xagga maskaxda ah ay soo gaarto maadaama ay la qabsadeen Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".