Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
trafficking

Maxkamad dad loo heysto ka ganacsi aadane oo ka socota Göteborg

La daabacay måndag 23 juli 2012 kl 12.06
Foto: Thomas Oneborg/Scanpix

Waxaa maanta ka furmeysa maxkamada racfaanka ee magaaladda Göteborg mid ka mid dacwadaha ugu waaweyn ee soo mara Iswiidhan ee ku qotonta ka ganacsiga dad.

Dacwada ayaa la xiriirta lix nin oo loo heysto in si qiyaano ah ay ku soo geliyeen dalka Iswiidhan dumar u dhashay dalka Romania ka dibna ay ku qasbeen dumarkaasi in ay iibiyaan jirkooda iyaguna ay ka macaashaan.

Maxkamada degmada Göteborg ayaa bishii Maajo ee sanadkan waxay ku heshay labo ka mid ah lixdan nin dambi ah ka ganacsi dad hase yeeshee xeer ilalaaliyaasha ayaa ku qancin xukunkaasi iyaga oo imminka filayo maxkamada racfaanka in ay gaarto xukun ka duwan midka ay gaartay maxkamada degmada.

Dambiga ka ganacsiga dadka ayaa ah mid lagu muto xabsi dheer.

Dumarka dhibanayaasha ah ayaa ka marag furay maxkamada iyada oo ka sheekeeyay sida loo soo siray iyaga oo sheegay in loo soo sheegay in Iswiidhan ay ka helayaan lacag balse markii yimaadeen lagu qasbay in ay jirkooda ku iibiyaan xaafadda Roselund ee magaaladda Göteborg.

Thomas Eliasson oo ah xeer ilaaliye la socda dacwada ayaa sheegay in lixda nin ee dacwada loo heysto ay ahaayeen koox abaabulan oo si isku mid ah ugu howlanaa dambiga loo heysto sidaasi daraadeedana ay haboontahay in ay wajahaan ciqaab isku mid ah maadaama dambigooda isku mid yahay.

Xukunka hore ee ay riday maxkamada degamada ayaa ka sarreeyay iyada oo labada ruux ee lagu helay dambiga ah ka ganacsi dad ay maxkamada ku riday xabsiyo dhaadheer halka afarta kale xabsiyo waqti gaaban lagu riday.

Hay'ada shaqaalaha caalamiga ee marka la soo gaabiyo la yiraahdo ILO ayaa sheegtay in dad gaaraya 20,9 milyan oo ruux ay sanad walba ay dhibaato ka soo gaarto ka ganacsiga dadka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".